MushafkaAll surahsOpen the app

MushafkaSurahs › Al-Mursalaat

Surah Al-Mursalaat سُورَةُ المُرۡسَلَاتِ

The Emissaries · Meccan · 50 verses · Juz 29, pages 580–581
Suuradda Al-Mursalaat · Makki · 50 aayadood

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلۡمُرۡسَلَـٰتِ عُرۡفࣰا ﴿١﴾

Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro

By those [winds] sent forth in gusts

77:1

فَٱلۡعَـٰصِفَـٰتِ عَصۡفࣰا ﴿٢﴾

iyo Dabaysha sida daran u dhabata

And the winds that blow violently

77:2

وَٱلنَّـٰشِرَ ٰتِ نَشۡرࣰا ﴿٣﴾

Iyo Dabaysha roobka kicisa

And [by] the winds that spread [clouds]

77:3

فَٱلۡفَـٰرِقَـٰتِ فَرۡقࣰا ﴿٤﴾

Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa

And those [angels] who bring criterion

77:4

فَٱلۡمُلۡقِیَـٰتِ ذِكۡرًا ﴿٥﴾

iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa

And those [angels] who deliver a message

77:5

عُذۡرًا أَوۡ نُذۡرًا ﴿٦﴾

Si Dadka loo waaniyo looguna digo

As justification or warning

77:6

إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَوَ ٰقِعࣱ ﴿٧﴾

Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici

Indeed, what you are promised is to occur

77:7

فَإِذَا ٱلنُّجُومُ طُمِسَتۡ ﴿٨﴾

Markase xiddiguhu Nuurku ka tago

So when the stars are obliterated

77:8

وَإِذَا ٱلسَّمَاۤءُ فُرِجَتۡ ﴿٩﴾

Oo samadu Dildillaacdo

And when the heaven is opened

77:9

وَإِذَا ٱلۡجِبَالُ نُسِفَتۡ ﴿١٠﴾

Oo Buuraha la Rujiyo

And when the mountains are blown away

77:10

وَإِذَا ٱلرُّسُلُ أُقِّتَتۡ ﴿١١﴾

Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii)

And when the messengers' time has come

77:11

لِأَیِّ یَوۡمٍ أُجِّلَتۡ ﴿١٢﴾

Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed

For what Day was it postponed

77:12

لِیَوۡمِ ٱلۡفَصۡلِ ﴿١٣﴾

In dadka la kala Bixiyo Dartiis

For the Day of Judgement

77:13

وَمَاۤ أَدۡرَىٰكَ مَا یَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ﴿١٤﴾

Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa

And what can make you know what is the Day of Judgement

77:14

وَیۡلࣱ یَوۡمَئِذࣲ لِّلۡمُكَذِّبِینَ ﴿١٥﴾

Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay

Woe, that Day, to the deniers

77:15

أَلَمۡ نُهۡلِكِ ٱلۡأَوَّلِینَ ﴿١٦﴾

Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore

Did We not destroy the former peoples

77:16

ثُمَّ نُتۡبِعُهُمُ ٱلۡءَاخِرِینَ ﴿١٧﴾

Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe

Then We will follow them with the later ones

77:17

كَذَ ٰلِكَ نَفۡعَلُ بِٱلۡمُجۡرِمِینَ ﴿١٨﴾

Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha

Thus do We deal with the criminals

77:18

وَیۡلࣱ یَوۡمَئِذࣲ لِّلۡمُكَذِّبِینَ ﴿١٩﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya

Woe, that Day, to the deniers

77:19

أَلَمۡ نَخۡلُقكُّم مِّن مَّاۤءࣲ مَّهِینࣲ ﴿٢٠﴾

Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar

Did We not create you from a liquid disdained

77:20

فَجَعَلۡنَـٰهُ فِی قَرَارࣲ مَّكِینٍ ﴿٢١﴾

Markaasna yeellay meel ilaashan

And We placed it in a firm lodging

77:21

إِلَىٰ قَدَرࣲ مَّعۡلُومࣲ ﴿٢٢﴾

Tan iyo Muddo la yaqaanno

For a known extent

77:22

فَقَدَرۡنَا فَنِعۡمَ ٱلۡقَـٰدِرُونَ ﴿٢٣﴾

Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican

And We determined [it], and excellent [are We] to determine

77:23

وَیۡلࣱ یَوۡمَئِذࣲ لِّلۡمُكَذِّبِینَ ﴿٢٤﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya

Woe, that Day, to the deniers

77:24

أَلَمۡ نَجۡعَلِ ٱلۡأَرۡضَ كِفَاتًا ﴿٢٥﴾

Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade

Have We not made the earth a container

77:25

أَحۡیَاۤءࣰ وَأَمۡوَ ٰتࣰا ﴿٢٦﴾

Nolol iyo Geeriba

Of the living and the dead

77:26

وَجَعَلۡنَا فِیهَا رَوَ ٰسِیَ شَـٰمِخَـٰتࣲ وَأَسۡقَیۡنَـٰكُم مَّاۤءࣰ فُرَاتࣰا ﴿٢٧﴾

Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan

And We placed therein lofty, firmly set mountains and have given you to drink sweet water

77:27

وَیۡلࣱ یَوۡمَئِذࣲ لِّلۡمُكَذِّبِینَ ﴿٢٨﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay

Woe, that Day, to the deniers

77:28

ٱنطَلِقُوۤا۟ إِلَىٰ مَا كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ ﴿٢٩﴾

Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen

[They will be told], "Proceed to that which you used to deny

77:29

ٱنطَلِقُوۤا۟ إِلَىٰ ظِلࣲّ ذِی ثَلَـٰثِ شُعَبࣲ ﴿٣٠﴾

Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah

Proceed to a shadow [of smoke] having three columns

77:30

لَّا ظَلِیلࣲ وَلَا یُغۡنِی مِنَ ٱللَّهَبِ ﴿٣١﴾

Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn

[But having] no cool shade and availing not against the flame

77:31

إِنَّهَا تَرۡمِی بِشَرَرࣲ كَٱلۡقَصۡرِ ﴿٣٢﴾

Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar

Indeed, it throws sparks [as huge] as a fortress

77:32

كَأَنَّهُۥ جِمَـٰلَتࣱ صُفۡرࣱ ﴿٣٣﴾

Ama aad Mooddo geel madaw ah

As if they were yellowish [black] camels

77:33

وَیۡلࣱ یَوۡمَئِذࣲ لِّلۡمُكَذِّبِینَ ﴿٣٤﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay

Woe, that Day, to the deniers

77:34

هَـٰذَا یَوۡمُ لَا یَنطِقُونَ ﴿٣٥﴾

Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku

This is a Day they will not speak

77:35

وَلَا یُؤۡذَنُ لَهُمۡ فَیَعۡتَذِرُونَ ﴿٣٦﴾

Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan

Nor will it be permitted for them to make an excuse

77:36

وَیۡلࣱ یَوۡمَئِذࣲ لِّلۡمُكَذِّبِینَ ﴿٣٧﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay

Woe, that Day, to the deniers

77:37

هَـٰذَا یَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِۖ جَمَعۡنَـٰكُمۡ وَٱلۡأَوَّلِینَ ﴿٣٨﴾

Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba

This is the Day of Judgement; We will have assembled you and the former peoples

77:38

فَإِن كَانَ لَكُمۡ كَیۡدࣱ فَكِیدُونِ ﴿٣٩﴾

Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra

So if you have a plan, then plan against Me

77:39

وَیۡلࣱ یَوۡمَئِذࣲ لِّلۡمُكَذِّبِینَ ﴿٤٠﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay

Woe, that Day, to the deniers

77:40

إِنَّ ٱلۡمُتَّقِینَ فِی ظِلَـٰلࣲ وَعُیُونࣲ ﴿٤١﴾

Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo

Indeed, the righteous will be among shades and springs

77:41

وَفَوَ ٰكِهَ مِمَّا یَشۡتَهُونَ ﴿٤٢﴾

(Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan

And fruits from whatever they desire

77:42

كُلُوا۟ وَٱشۡرَبُوا۟ هَنِیۤءَۢا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ﴿٤٣﴾

Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis

[Being told], "Eat and drink in satisfaction for what you used to do

77:43

إِنَّا كَذَ ٰلِكَ نَجۡزِی ٱلۡمُحۡسِنِینَ ﴿٤٤﴾

Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala

Indeed, We thus reward the doers of good

77:44

وَیۡلࣱ یَوۡمَئِذࣲ لِّلۡمُكَذِّبِینَ ﴿٤٥﴾

Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya

Woe, that Day, to the deniers

77:45

كُلُوا۟ وَتَمَتَّعُوا۟ قَلِیلًا إِنَّكُم مُّجۡرِمُونَ ﴿٤٦﴾

(Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale

[O disbelievers], eat and enjoy yourselves a little; indeed, you are criminals

77:46

وَیۡلࣱ یَوۡمَئِذࣲ لِّلۡمُكَذِّبِینَ ﴿٤٧﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay

Woe, that Day, to the deniers

77:47

وَإِذَا قِیلَ لَهُمُ ٱرۡكَعُوا۟ لَا یَرۡكَعُونَ ﴿٤٨﴾

Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan

And when it is said to them, "Bow [in prayer]," they do not bow

77:48

وَیۡلࣱ یَوۡمَئِذࣲ لِّلۡمُكَذِّبِینَ ﴿٤٩﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya

Woe, that Day, to the deniers

77:49

فَبِأَیِّ حَدِیثِۭ بَعۡدَهُۥ یُؤۡمِنُونَ ﴿٥٠﴾

Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan

Then in what statement after the Qur'an will they believe

77:50