Nibiyow maxaad u xarrimi wax Eebe kuu xalaaleeyey si aad u raalli geliso Haweenkaaga, Eebe waa dambi dhaafe naxariista ah
O Prophet, why do you prohibit [yourself from] what Allah has made lawful for you, seeking the approval of your wives? And Allah is Forgiving and Merciful
Ma xusuusan Waqtigii Nabigu ku qarsaday Haweenkiisa Qaarkood hadal, markaas ay ka warrantay xaalkii, Eebana uu Nabiga u daahiriyey, markaas Nabigu uu ogeysiiyey qaarkiis (haweenaydii) qaarna uu ka dhaafay, markuu u warramay ay tiri yaa kuu sheegay xaalkan kuna yiri: waxaa ii warramay Eebaha wax walba oge ah ee yaqaana
And [remember] when the Prophet confided to one of his wives a statement; and when she informed [another] of it and Allah showed it to him, he made known part of it and ignored a part. And when he informed her about it, she said, "Who told you this?" He said, "I was informed by the Knowing, the Acquainted
Haddaad Eebe u noqotaan inkastoo qalbigiinnu iishay (Eebe wuu idiin dhaafi) haddaadse isu kaalmaysataan Nabiga (dhibkiisa) waxaa u gargaari Eebe, Jibriil iyo kuwa suuban ee Mu'miniinta ah Malaa'igta (kalana) markaas ka dib yey xoojin
If you two [wives] repent to Allah, [it is best], for your hearts have deviated. But if you cooperate against him - then indeed Allah is his protector, and Gabriel and the righteous of the believers and the angels, moreover, are [his] assistants
Wuxuu Eebe u dhawyahay in Nabigu hadduu idin furo (Haweenka Nabiga qaarkood) idiinkuna beddelo kuwa idinka khayr roon oo ah Muslimiin, Mu'miniin ah adeeca Eebe, Toobad keena, Eeba caabuda, Soomana kuwa horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh
Perhaps his Lord, if he divorced you [all], would substitute for him wives better than you - submitting [to Allah], believing, devoutly obedient, repentant, worshipping, and traveling - [ones] previously married and virgins
Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa'ig adag oo daran oon Eebe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amru
O you who have believed, protect yourselves and your families from a Fire whose fuel is people and stones, over which are [appointed] angels, harsh and severe; they do not disobey Allah in what He commands them but do what they are commanded
Kuwa xaqa rumeeyow u toobad keena Eebe toobad san, wuxuu Eebe u dhawyahay inuu asturo xumaantiina, idin geliyana Jannooyin ay dureerayso dhexdooda Wabiyaal, Maalinta uusan Eebe hoojinayn Nabiga iyo kuwa la jooga, nuurkooduna wuxuu socon hortooda iyo midigtooda iyagoo dhihi Eebow noo tam yeel Nuurkanaga noona dambi dhaaf'adaa wax walba karee
O you who have believed, repent to Allah with sincere repentance. Perhaps your Lord will remove from you your misdeeds and admit you into gardens beneath which rivers flow [on] the Day when Allah will not disgrace the Prophet and those who believed with him. Their light will proceed before them and on their right; they will say, "Our Lord, perfect for us our light and forgive us. Indeed, You are over all things competent
Eebe wuxuu tusaale uga dhigay kuwa Gaaloobay Haweenaydii Nabi Nuux iyo Nabi Luudh, waxa qabay Laba Addoon oo Eebe oo suusuuban, markaasay khiyaameen Nabiyadaas waxbana ugama ayan tarin Eebe agtiis waxaana loo dhihi Labadaas haweenay la gala naarta kuwa gelaya
Allah presents an example of those who disbelieved: the wife of Noah and the wife of Lot. They were under two of Our righteous servants but betrayed them, so those prophets did not avail them from Allah at all, and it was said, "Enter the Fire with those who enter
And Allah presents an example of those who believed: the wife of Pharaoh, when she said, "My Lord, build for me near You a house in Paradise and save me from Pharaoh and his deeds and save me from the wrongdoing people
Maryama bintu cimraanna xusuusta ee isdhawrtay, markaas malagu jeebka ka afuufay, rumaysayna Sharciga Eebe iyo Kutubtiisaba, kana mid noqotay kuwa Eebe adeeca
And [the example of] Mary, the daughter of 'Imran, who guarded her chastity, so We blew into [her garment] through Our angel, and she believed in the words of her Lord and His scriptures and was of the devoutly obedient